Dib-u-Eegid: Kadib Markuu Caawa Ronaldo Ku Guuleystay Kubada Dahabka Ah Ee Ballon d’Or Sidee Loogu Kala Guuleystay 9kii Sano Ee Ugu Danbeesay? Messi Iyo Ronaldo Meesha Waa Ku Dheeleen

Waxay France Football caawa bixinaysay abaal marinta Ballon d’Or oo ay markii uGu horaysay shan sano ku keliyowday kadib markii heshiiskoodii FIFA dhamaaday waxaana abaal marintan loo caleemo saray Cristiano Ronaldo oo dadka intiisa badan iska sii ogaayeen inuu ku guuleysan doono. Ronaldo ayaa markiisii afraad ku guuleystay abaal marintan wuxuuna ku garacay dhigiisa Lionel Messi.

 

Hadaba Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa sagaalkii sano ee u danbeysay iska yeeshay abaal marinta kubada dahabka iyada oo xataa hal mar xidig kale uusan isku soo taagin tan iyo 2008dii.

 

Halkaan hoose kaga bogo sida loogu kala guuleystay 9kii sano ee u danbeysay:

 

2016: Cristiano Ronaldo

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

2015: Lionel Messi

2014: Cristiano Ronaldo

2013: Cristiano Ronaldo

2012: Lionel Messi

2011: Lionel Messi

2010: Lionel Messi

2009: Lionel Messi

2008: Cristiano Ronaldo

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

%d bloggers like this: