Champions:- Kooxda Real Madrid Oo Ku Guulaysatay Koobka Kooxaha Adduunka, Ronaldo Oo Saddexley Dhaliyey Iyo Kashima Oo Ciyaar Soo Bandhigtay Kulan 4-2 Lagu Kala Baxay

Kooxda Real Madrid ayaa kulan ay ku dhibtootay  ka badisay kooxda kusoo guulaysatay horyaalka qaaradda Asia ee Kashima Antlers kuwaas oo isk caabin aad u eyn muujiyay.

Ronaldo ayaa kulankaan saddexley dhaliyey kulankan oo ay Real ku badisay 4-2 halka goolka dheeraadka ah uu daqiiqadihii horeba dhaliyey weeraryahanka reer France Karim Benzema.

Shaxihii labada kooxood.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Real Madrid : Navas, Carvajal, Sergio Ramos, Varane, Marcelo, Kroos, Modric, Casemiro, Lucas, Benzema, Ronaldo
Bedelka: Casilla, Pepe, Nacho, Rodriguez, Fabio Coentrao, Kovacic, Mariano, Marco, Morata, Isco, Danilo, Yanez

 Kashima Antlers : Sogahata, Nishi, Ueda, Shoji, Yamamoto, Endo, Shibasaki, Ogasawara, Nagaki, Kanazaki, Doi 

Bedelka: Kushibiki, Messias, Nakamura, Hwang, Bueno, Akasaki, Misao, Ito, Sugimoto, Yuma Suzuki, Hirato, Kawamata

Garoonka Nissan Stadium Yokohama ma uusan ahayn mid aamusan taa caksigeedana waxa codkooda muujinyey 72,000 oo taageere kuwaas oo kala taageero iyo dhiirri galin u samaynayey labada kooxood ee u tartamaya koobkaan waa Real Madrid iyo Kashima.

Kooxda koobkan qaada ayaa tirsan doonta lacag dhan £3.9million halka kooxda nasiibkeedu dhaafiyo guusha aysan wax saas u sii wan ka yaraysan doonin kooxda guulaysatay waxayna u xaadiraysaa £3.1m oo gacan marsi ah.

 

kooxda Horyaalka Asia ayaa si wanaagsan ku bilaabatay kulankaan waxaana daqiqadihiii u horreyayba ay muujinysay inaysan si dhayal ah ku imaan kulankaan iyadoo cadaadis aad u badan saartay kooxda Reer Spain ee Real Madrid iyadoona ay yaab noqon lahayd

Balse kooxda Kashima ayaa si walba 8 daqiiqo ee u horreysay u mari waysay derbiga sida dabiiciga ah u xidhan ee kooxda Real Madrid iyada oo ay kaamirooyinku soo qabanayeen xiddiga reer Coroatia ee Luka Modric kaas khadka dhexe e daarnaa.

GOOOOOL REAL MADRID 1-0 Kashima Antlers (Benzema 9 daqiiqo)

Daqiiqaddii u Horraysay ee kulanka ayaa timid daqiiqadii 9’aad kaddib markii xiddiga reer France ee Karim Benzema uu shabaqa taabsiiyay goolkii u horeyay kulankaan iyo sidoo kale goolka ay hogaanka ku qabatay kooxda Real Madrid .

Modric ayaa khadka dhexe kubbad uga dhibay Lucas Vasquez kaas oo karoos soo hor mariyey goolka mase aysan gaadhin mid kamid ah ciyaartoyda weerarka Real Madrid balse kubaddii ay iska saaren daafacyada indha yartu ayaa u tagtay Luca Modric kaas oo goolka la beegsaday , mar kale ayay ku dhacday daafacyada Kashima balse markaan may lahayn iska saarid waxayse si dhib yar goolka oo bannaan ugu taabtay Karim Benzema.

Isku baaskii kooxda kashima ayaa u muuqatay inaan daawanaynay jawaab degdeg ah kaddib markii kabtanka kooxdaas ninka lagu magacaabo Ogasawara uu kubbad gantaal ah la beegsaday goolka Navas kaddib kubbad isku dhiib dhiib ahayd oo ay soo sanceeyeen  Ciyaartoyda Asian-ku nasiib xumo se waxay u baahnayd in uu dhowr Centi mitir hoos u dhigo si uu shabaqu u ruxmado , Kubaddaas ayaana sara martay goolka , balse waxay hanjabaad ugu filnay kooxda Real Madrid.

Wixii intaas ka danbeeyay Kooxda Cadcadka ayaa la wareegtay maamulkii ciyaarta iyado oo si walba isagu dhiibaysay kubadaha isla markaasna abuuraysay fursadaha ugu badan balse wax kasta oo ay sameeyaanba waxa hortaagnaa daafacyada kooxda Kashima kuwas oo diidanaa in si sahal ah hogaanka looga dheraysto.

Daqiiqaddii 27aad Rael Madrid ayaa ku sigatay inay goolka labaad la timaado kaddib markii ay si qurux badan jaanta iskula heleen Luvas Vasuqe iyo Karim Benzema balse waxaa hor istaagay goolaye Sogahata kaas oo shuut hoose oo Benzema soo tuuray si qurux badan isaga saaray.

Daqiiqaddi 29’aad Luka Modric ayaa lugu xanaaqadeeyay afka hore ee xerada ganaaxa waxaana bulusoonkaa usoo istaagya xiddiga ay indhaha garoonkuba hayeen ee Cristiano Ronaldo balse kubaddiisa ayaa birta goolka dul martay natiijada ciyaartuna waxa ay kusii ekaatay 1-0 Real hogaanka ku hayso.

GOOOOOL: Real Madrid 1-1 KASHIMA ANTLERS (Shibasaki 44 daqiiqo).

Rafael varane ayaa ku guul darraysaty inuu si hagaagsan isaga saaro kubbad ay Kashima kasoo tuurtay afka hore ee xerada ganaaxa kubadaas ayaana u tagtay Shibasak kaas oo lugta bidix kubadda ku daba mariyey goolhaye Navas kaas oo awoodi waayay inuu kubadaas shabaqisa ka ceshado..

goolkaas ay kooxda Kashima hogaanka ugu soo laabatay ayaa sidoo kale ayay  khaladkeeda lahaa Dani Carvajal iyo Casamiro kaas oo aadan malayn karin sida looso jiidhay sdiaas ayaana barbaro 1-1 ah lagu kala aaday daqiiqadihii nasashada .

Markii laga soo laabtay daqiiqadihi nasashada kooxda Real Madrid ayaa isla markiiba si xoogan u bilowday inay weearr ku qaado goolka Kashima waxaana la arkaayey Ronaldo oo si aad ah ula shaqaynaay Modric balse xaalku sida aan moodaynay ma uusan noqon .

GOOOOOL: Real Madrid 1-2 Kashima Antlers (Shibasaki 51 daqiiqo)

Mar keliya ayuu sawaxanku iyo qayladuba cirkaas gaadheen kadib markii xiddigii goolka hore dhaliyey Shibasaki uu dhex qadaydaafacyada Madrid isla markaana uu shuut la beegsaday goolka Navas balse markale gool hayahaas ayaa mar kale awoodi waayay inuu hor istaago inuu xiddigaasi gool kale dhashado ciyaarta ayaana noqota mid ay hogaanka ku hayso kooxda Kashima.

GOOOOOL: Real Madrid 2-2 Kashima Antlers (Ronaldo 60 daqiiqo).

Ronaldo ayaa kooxda Real Madrid ciyaarta kusoo celiyey kaddib markii uu igool ubedelay rikoore uu isu soo taagay

Lucaz Vasquez ayaa lagu dhex jillaafeeyay gudaha xerada ee ganaaxa waxaaan rikooradii loo dhigay kooxda Real Madrid gool u sarriifaty waana markii u horraysay ee la arko Ronaldo oo samaynaya shuut ku beegan goolka ytaas oo ku tusaysa sida daafacyada kooxdaasi ay ugu soo diyaar garoobeen halista weeraryahankaas .

Waa wax aadan rumaysan karin inaad aragto sida kooxdani yari ay Real Ugu maamushay kulnakaan, waxay sameyen wax kasta oo la gudboona , goolalsha ayay beegsanayeen kubadaha ayay isu dhiib dhiibanyeen sidii ay yihiin koox weyn kooxdii weyneyd ee Real Madridna waxay isu bedeshay mid lafaheeda u cabsanaysa .

Daqiiqaddi 81-aad ayuu Benzema kooxdiisa ka khasaariyey kubaad halis ahayd waxaase ilaa intii ka danbaysay kubada iyo gfursadahaba iska lahaa kooxda Kashima iyo bedelkeedii Fabricio  kuwaas oo uu daqiiqadii 83aad iyo 86-aadba goolal ka badbaadiyey Goolhaye Navas, waxaaan 2-2 lagu kala aaday 30 kii daqiqo ee dheeriha ahaa.

Karim Benzema reacts

Kadib daqiiqado kooban oo nasasho ah .

Koox walba ayaa isku dayaysay inay hoaanka dheeraysato , siiba kooxda Kashima oo haysa dhiiri galin ah inay iska caabin karto kooxda haysata Champions League-ga yurub .

Daqiiqadda 92-aad ayuu ruxmay garoonka kaddib markii Suzuki ka dhex kacay daafacyada Real Madrid isla markaana uu birta garaacay kaddib markii uu kubad bulusoon ah soo tuuray xiddiga kooxda Kashima isla markaana labada gool ee hore dhaliyey ee Shibasaki , goolhaye Navas ayaana samayn wax dhaqaaq ah balse waxa caawisay birta goolka.

GOOOOOL :Real Madrid 3-2 Kashima Antlers(Ronaldo 98 daqiiqo).

Cristiano Ronaldo

Ronaldo ayaa culayska ka dul qaday isla markaana naqaska kasoo gooyay kooxdiisa Real Madrid oo kulankaan cashar loo dhigay kaddib markii uu gool qurux badan ka hor hoos bixiyay lugaha goolhayaha Kashima kaddib markii baas qurux badan oo ka dhex bixis ah ka helay saaxiibkiis Benzema waxaana uu sidaas hogaanka ugu soo celiyey kooxdiisa Real Madrid oo kulankaan cashar la baray  goolkaasina uma muuqan mid niyadda ka dilay Kashima.

GOOOOOL:Real Madrid 4-2 Kashima Antlers (Ronaldo 104 daqiiqo).

Cristiano Ronaldo celebrates

Ronaldo ayaa dhamaystirtay saddexlaydiisii kaddib markii uu kubbad gantaal ahayd qaniinsiiyay shabaqa kooxda Kashima .

Kroos ayaa isku dayay inuu beesado oolkooxda Horyaalka Asia balse kubbadaas ayaa si fudud uu tagtay Ronaldo kaas oo inta qunyar sallaxday la hor taay oolhayaha kashima shabaqan ruxay .

Ronaldo ayaa goolkaan ku bareejeeyay Lus Suarez kaas oo hore u tartankaan uga dhaliyey .

Ronado ayaa daqiiqadii 105’aad u dhawaaday inuu dhaliyo super hat-trik kaddib markii uu baas cajiib ah oo ka dhex bixis ah ka helay Kovacic oo markaas bedel kusoo galay balse goolhayaha Kashima ayaa xilli wanaasan goolkiisa kasoo baxay isla markaasna kubadda iska soo bixiyay xiddigaan ayaa ugu danbayn lagusoo bedelay Morata.

Wixii Intaas ka danbeeyay ciyaarta ayaa Noqotay Mid gaabis ah iyadoo daqiiqadiba daqiiqada ka danbaysa ay usii dhiibaysay ilaa garsooruhu tilmaamay in ciyaartu dhamaatay iyadoo isla  markaana guushu ku raacday kooxda Real Madrid oo maanta laga bilaabo ah boqoradda kooxaha adduunka.

Cristiano Ronaldo and Karim Benzema hug after the match

Comments

comments


Nagala Xiriir E-mail kooxda48@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.








%d bloggers like this: